Salaan! Magacaygu waa Dr. Mahad Cabdullaahi Maxamuud, waxaan ahay dhakhtar ku takhasusay carruurta (Pediatrician), kana haysta Master of Medicine in Pediatric and Child Health. Waxaan waqti badan ku bixiyey daryeelka caafimaadka carruurta iyo ka taageeridda qoysaska si ay u helaan nolol caafimaad leh.
Waxbarashadayda sare waxaan ka qaatay Jaamacadda Busitema ee Uganda, halka shahaadadayda MBBS aan ka helay Jaamacadda Al-Neelain ee Suudaan. Waxaan si toos ah ula shaqeeyey carruur isbitaal ku jira oo aan waayo-aragnimo buuxda ka helay cudurrada ilmaha, nafaqo-darrada, tallaalka, iyo daryeelka cusub.
Waxaa kaloo aan macallin ka ahaa kuliyada caafimaadka caruurta, waxaanan tababaray arday badan. Waxaan aaminsanahay isgaarsiin furan, daryeel naxariis leh, iyo in waalidiinta lagu qalabeeyo aqoon sahlan.
Blog-gan waa dariiq aan ku sii wado hawshii aan u hayey bulshada — inaan bixiyo macluumaad caafimaad oo lagu kalsoonaan karo, si fudud loo fahmi karo. Waa kuu diyaar haddii aad su’aal qabto.
📍 Muqdisho, Soomaaliya
📧 mahadcade198@gmail.com
📞 +252 615 668 234